HomeMARKA COLADI DHACDO, AF – SOOMAALIGA WAA LA ILOOBAA

MARKA COLADI DHACDO, AF – SOOMAALIGA WAA LA ILOOBAA

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Maalintii uu qarxey dagaalkii sokeeye 1994, waxa an tababar ku bixinayey meel ka danbeysa Hotel Maaweel. Saldhigga dhexe ee Hargeisa oo noo dhawaa ayuu baasuuke ama Jiibkii u horeeyey qabsadey abbaaro 12:00 duhurnimo. Waxa an bilowney inan qixino shaqaalihii xafiisyada nagala shaqeynayey. Markii dagaalkii na soo gaadhay ayaa nin sarkaal ah oo noogu cadcadaa xagga fadhi-ku-dirirka ayaan aragney oo halkii uu fadhiyey ka kici waayey, Af Soomaaligiina ka lumey oo “what” uuni ka soo hadhey, socodkiina uu garan waayey. Waxa ay nagu kaliftey inan garbaha qabano oo an jiidno oonu gaadhi ku ridno.
Shilka gobolka saaxil ka dhacey dhawaan uu iska dhamaan, cidii danbi ku caddaadana
sharci ayaa la marin. Waxanse la yaabey dad badan oo aan colaadda aan waxba ka aqoon oo warbaahinta iyo facebook-ga soo dhiga sawiro tikniko xamar ka dagaalameysa oo kolba odhanaya meel heblaayo ayaa ciidan ku qulqulayaa. Qaarbaa waxa ay leeyihiin, ciidan intaa leeg ayaa beel heblaayo halkaa soo waddaa oo cirkaa onkodaya. Qaarkood waa madax dhaqameed ismuujin ay ka tahey iyo iney magac kaga helaan xaafadaha. Balse kuwa u darani waa rag waaweyn oo colaadda iyo dagaalka u heysta Play Station la ciyaarayo ama filim Hindi ah.

Haddii colaadi dhacdo, dadkan qeylinayaa iyagaa baabuurta ka dheereynayaa, afsoomaliguna uu ka lumayaa. Qaarbaa la arki iyaga oo af Oromo ku hadlaya. Colaadi marka ay timaado, dhulka Ilaahey sameeyey oo dhan ayaa kugu yaraanaya. Luguhu socodka wey garanwaayayaan. Naftaa macaan noqoneysa. Wixii ad nolosha soo qaladey oo dhan ayaa ku hor imanaya. Marka ay rasaastu dhacdo shinbirihu wey wada duulaan. Riyaha iyo eydu aqalada ayay galaan oo dadka ayay xagga danbe ka maraan. Marka la qaxo, xayawaankuna dadka ayuu daba galaa.

Burco ayaan ka qaxay anoo shaqo u jooga. Berbera ayaa la isku key dulqabsadey 1992 anoo biyogelinta magaalada kormeeraya. Hargeisa la isku galay 1994 oonu ku kala yaacney. Raggii colaadda hurinayey ayaan arkey oo gal barkimo ku sita woxoogaa calal ah iyo baaldi caag ah oo ay isleeyihiin meelahaa kaga sii dhaansada oo inta ay cimaamado madax ku duubteen dumarkii dhex socda. Naftii ayaa macaanaatey. Dhimashada waxa u badan dadka aan dagaalka ku jirin ee xabbad yuuseysaa jiidho.

Ragga qeylinayaa midkoodna dagaal geli maayo haddey colaadi timaaddo. Ninka xanuunka dagaalka yaqaan hadalka ma badiyo, kumana degdego. Hadaba rageena fadhi-kudirirka ohow an hadalka yareyno oo wixii qaldan sidii loo sixii lahaa dawladda haloo daayo. Haddii kale idin inaga oo talo inaga luntey oo af oromo ku hadleyna ayaa la ina arki.

Maxamed cali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

Qorane.bile@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories